Cumar Finish oo shaaciyay tiradii ugu badneyd ee Meydad lagu aasay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa ka hadlay xaaladda dalka ee Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Cumar Finish oo ka hadlaayay kulan lagu qabtay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen tira koob ku aadan dadka ku dhinta Muqdisho ee Meydadkooda lagu aasay qabuuraha ku yaalla Caasimadda.

Waxaa uu sheegay Cumar Finish in Maamulka Gobolka loo xil-saaray diiwaan-gelinta dadka ku dhinta Muqdisho ee qaruubaha lagu aaso ah, iyadoona uu Maamulka si joogta ah uu warbixino u siinayay Guddiga Qaranka ee ka horetga Cudurka Coronavirus.

Cumar Finish ayaa sheegay in maalintii shalay oo jimco aheyd qaruuraha Muqdisho lagu aasay 33 qof, halka hal maalin oo kaliyaha ay diiwaan-geliyeen tiradii ugu badneyd ee dadka lagu aasay qaruuraha, kuwaasi oo gaarayay 49qof.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu tilmaamay in maalintii ugu yareyd ee Muqdisho lagu aasay ay aheyd 22 qof, wuxuuna Carabka ku dhuftay 1-da bishaan May dadka Muqdisho ku dhintay ay gaarayaan dad ku dhow 500 oo qof.

Si kastaba hadalka Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalin kahor uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu sheegay in qof kasta oo xiligaan dalka ku dhintay ay dowladda u qoonsan tahay inuu u dhintay Cudurka halista ah ee Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media