Cumar Filish oo Jawaab kulul siiyay Musharixiintii ku shiray Muqdisho

Guddoomiyaha Gololka Banaadir  ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maaxmed  (Cumar Filish) ayaa si kulul ugu jawaaabay Midowga Murashixiinta ee Muqdisho ku shiray, waxaana uu sheegay in ay wadaan khalalaase siyaasadeed aysana ahayn kuwo si daacad ah wax u doonaya.

Cumar Filish ayaa sheegay in murashixiinta Mucaaradku ay yihiin kuwo lasoo dirsaday, oo aan doonayn danaha dadka iyo dadka, isagoo intaas ku daary in dalka aysan wax khalaase ah ka gaysan karin haba yaraatee” iskuma dayi karaan in ay qash-qashaad yar ka sameeyaan xasiloonida ka jirta dalka, ayaguna waa ay ogyihiin inaysan dalkaan nabad galyadiisa waxba u dhimi karin, balse waxaa ay doonayaan oo kaliya kuwa soo dirsaday in ay u muujiyaan in ay shaqeeyeen” ayuu yiri duqa Muqdisho cumar Filish.

Waxaaa uu sheegay in amniga caasimadda uu Mas’uul ka yahay, aysana waxaba ka qaadi karin kuwa uu ku sheegay Qas-wadayaal, waxaana uu sheegay in ay iska celin doonaan Siyaasiyinta Mucaaradka haddii ay isku dayaan wax yar oo qala-laase siyaasadeed ah.

Hadalka Cumar Filish ayaa yimid kadib markii War murtiyeedka laga  soo saaray Shirka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ay ku dalbadeen  in lakala diro guddiyadii doorashada.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyed ka kooban 18 qodob oo ay isku soo raaceen Mas’uuliyiinta kaal duwan ee Muqdisho ku shiray, waxaana dalbadeen in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto  Afisyooni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media