Cumar Filish iyo Safiirka Turkiga oo ka shiray dhismaha waddo ku taalla Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Danjire Mehmet Yilmaz,  ganacsato,soomaali ah iyo Turki ayaa ka wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha wadada Jaziira ee Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya uga Mahadceliyay Mashariicyada kala duwan ay kawadaan magaalada Muqdisho.

Cumar Filish iyo Safiirka Turkiga ayaa maalmo kahor kulan ku yeeshay Safaaradda Turkiga ee dalka, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka Safaarada Turkiya iyo dowladda Hoose ee Xamar iyo Sidii Safaarada Turkiya ay Gacan ugu geysan laheyd baahiyaha dadka Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor