Cumar Filish iyo Maamulka Sh/Hoose oo AMISOM kala hadlay dadkii la xasuuqay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulama kala duwan ula qaatay saraakiisha qeybaha AMISOM iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada AMISOM ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo kunool deegaanka Goolweyn ee Shabeellaha Hoose.

Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa u sheegay Madaxda AMISOM inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, isla markaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda ay si deg deg ah u helaan cadaalad.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ku xasuuqeen degaanka Goolweyn ee hoostega Magaalada Marka, iyagoona halkaas ku dilay 7-qof oo ay ku jiraan dad joogay Baar.

Ehelada dadka la laayay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in aan Meydka dadka la dilay la aasi doonin ilaa iyo Cadaalad ay helaan, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka ka dalbaday inay wax ka qabtaan xasuuqii dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor