Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay xiisada ka dhalatay xilka qaadista Agaasimihii PSF-ta

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF, taas oo ka taagan Magaalada Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegay in muhiim tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo xiisada ka dhalatay xilka qaadista Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano, ayna sahlan tahay arrinta, isla markaana aan loo baahneynin xiligaan dagaal.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Telefashinka Dalsan ayuu tilmaamay in suuragal ay tahay in khilaafka u dhexeeya Ciidanka PSF iyo Maamulka Puntland uu saameyn ku yeesho taageerada Ciidamada PSF ka helaan Mareykanka.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayuu sheegay inay aheyd in Ciidanka PSF ay ahaadaan Ciidan hoostega dowladda Federaalka, uuna arrintaas ka shaqeynayey mudadii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo sidii loo hoos keeni lahaa dowladda.

Ugu dambeyn Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in wada-hadal iyo nabad lagu ku dhammeeyo xiisada taagan muddo ku dhow afar todobaad, maadama Puntland ay 23 sanno jirsatay.

Si kastaba waan-waan lagu doonayey in lagu dhammeeyo xiisada ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa fashilantay, waxaana Puntland ay ciidamo farabadan geeysay Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor