Cumar C/rashiid oo ka digay heshiis cusub oo DFS la galeyso Eritrea iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka digay isku dayga heshiis amni iyo difaac oo dhexmara dowladdaha Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.

Cumar C/rashiid oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay inay noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda Federaalka ee waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Magaalada Addis Ababa.

saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in inuu jiro shir Addis Ababa ku dhex mari doono Madaxweyneyaasha Soomaaliya Farmaajo iyo Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Saddexda Mas’uul ayaa dhowr jeer kulamo kala duwan ku yeeshay Magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara, iyagoona horey u gaaray heshiisyo ku aadan Gobolka, waxaana Farmaajo, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed ay yihiin xulufo .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor