Culimo siweyn loo yaqaano oo kasoo horjeesatay in la xiro Masaajidda

Culimo si weyn looga yaqaano dalka Pakistaan ayaa waxay sheegeen in salaadaha jamaacada iyo salaadda jimcaha lagu tukan doono masaajidda ku yaalla dalkaas.

Waxay sheegeen inay raaci doonaan talooyinka caafimaad ay dowladda u soo jeedisay si looga hortaggo Coronavirys.

Mas’uuliyiinta Pakistaan waxay xayiraad ku soo rogeen masaajidda oo ah in shan qof ka badan aysan ku tukan masaajidda, waxaana arritani dhaleeceeyay culimada Pakistaan.

Waxaa tallaabada lagu xiray masaajidda Pakistaan ka dhashay qalalaase markii ay isku dhaceen booliska iyo shacab.

Pakistaan waxay xaqiijisay 5,837 oo kiisaska Coronavirus ah halka 96 qof ay u dhimatay, Talaadadii dowladda waxay muddo lao toddobaad ah ku dartay banddowga lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media