Cudur cusub oo ka dilaacay galbeedka Afrika

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Guinea ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg oo xannuun faafa oo lamid ah feyraska ka dhasha Ebola.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in loo baahan yahay ka hortagga cudurka.

Feyraska Marburg waxaa la rumeysan yahay in uu kasoo bilowday fiidmeerta taas oo u gudbisa banii’aadanka.

Baaritaan lagu sameeyay bukaan u ku dhacay cudurka oo ku nool dalka Guinea ayaa lagu ogaaday in uu ku dhacay feyraska Marburg.

Dr Matshidiso Moeti oo ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in cudurka uu si baahsan u faafi karo.

Waxaa dalka Guinea ka socdaa dadaallo lagu baadigoobayo dadka loo maleynayo in uu la kulmay ninkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor