Colaad ka jirtay degaano ka tirsan Galgaduud oo heshiis hordhac ah laga gaaray

Wasiiro katirsan Galmudug oo Maanta ka kala baxay Magaalooyinka Cadubwaaq iyo Cadaado ayaa kulamo ay la yeesheen Saraakiisha Ciidanka dawladda iyo horjoogayaasha Maleeshiyaadka labada dhinac kadib waxa ay si wadajirta Saraakiisha Ciidanka dawladda iyo wasiirada ka tirsan Galmudug ugu guulaysteen in la kala qaado Ciidanka labada beelood si loos uurta galiyo wadahadal toos ah oo dhexmara Odayaasha Dhaqanka labada dhinac.

Wafdiga wasiirada ah oo uu soo direy Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maalinta isniinta ah dib ugu laaban doona deegaanka Furinta-Foore waxayna kula kulmi doonaan Wasiiro ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya (Ethiopia), iyadoo lagu wado in lasoo afjaro Colaad halkaas ka jirtay.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Qaybta Galmudug Mahdi Cumar Muumin oo hogaaminaya Ciidanka Dawladda ee ku kala dhexjira Maleeshiyo beeleedka ayaa gacan qaatay kala qaadista Ciidanka labada dhinac iyo sugida Amaanka guud ee deegaanada ay dhawaan labada beelood ku dagaalameen.

Labada Maleeshiyo beeleed ayaa la kala geeyey Deegaanada Qorof iyo Balicade sidookale Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa lagu hishiiyey in ay sii kala daganaadaan meelihii ay kala daganaayeen kahor dagaalku intuusan dhicin Amaankana ay Ciidanka dawladda ay sugan inta laga gaarayo wajiga labaad ee dib-u hishiisiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media