Ciyaaryahan ku dhaawacmay tartankii Gobolada Somaliland oo geeriyooday

Waxaa saakay Isbitaal ku yaalla Magaalada Haegeysa ee Caasimadda Somaliland ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Ciyaaryahanadii u ciyaarayay Xulka Gobolka Saaxil ee Somaliland tartankii kubadda Cagta ee Gobolada maamulkaas.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa xaqiijiyay geerida Mukhtaar Yaxye Mutto oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka, kadib markii uu dhaawac Culus kasoo gaaray Ciyaar kamid aheyd tartankii Gobolada Somaliland ee dhammaaday.

Marxuum Mukhtaar Yaxye ayaa xulka Goboka Saaxil uga ciyaarayay dhinaca difaacada, waxaana uu ku dhaawacmay kubad uga dhacday qeybaha sare ee jirka, isagoona xaaladiisa Caafimaad aad looga diirinayay maalmihii dambe.

Geerida Mukhtaar Yaxye Mutto ayaa waxaa ka tacsiyeeyay dhammaan maamulka Gobolka Saaxil ee Somaliland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, in kastoo aan weli wax war ah ah kasoo bixin Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaradaha ee Somaliland.

Si kastaba tartankii kubadda Cagta ee Gobolada Somaliland ayaa ahaa mid xamaasad leh, waxaana ka qeyb galay ciyaaryahano u dheelayay Gobolada maamulkaas, waxaana xusid mudan in dhaawac Culus oo Madaxa ah uu soo gaaray Goolhayihii Xulka Gobolka Sool, kaasi oo xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media