Ciiddanka Khaaska u tababaran ee UK oo Hawlgal ka bilaabay Yemen

Ilaa 40 Ciiddanka Khaaska UK ee SAS ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee ALQAYDAH ee magaalladda Mahra ee Bariga dalka Yemen, si ay u ugaarsadaan Shaqsiyad ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta oo lala xiriirinayo Weerarkii bishii July 30-dii loo geystay Markabkii Booyadle ee MV Mercer Street oo lagu dilay 2 Badmaax oo u dhashay dalalka UK iyo Romania.

Ciiddankaasi waxaa kaloo ka mid ah unug ku takhasusay Qalabka Elektoroonikada, si ay ula socdaan dhanka Ku-hadalka Isgaarsiinta.

Wargeyska EXPRESS ee ka soo baxa London ayaa qoray in Kooxda Ciiddanka Khaaska UK ee SAS isla hawl-geli doonaan Ciiddan Maraykan oo Khaas ah oo horey ugu sugnaa Gobalka oo taageero ay ka geysta Tababarka Ciiddanka Khaaska ee Sacuudiga.

Dowladda Iran ayaa laga cabsi qabaa inay Xuutiyiinta siisay Diyaaradaha Darooniska ee meelaha fogfog gaari kara,si loo khalkhal geliyo Maraakiibta Ganacsiga Caalamiga ee marinkooda yahay Badda Carbeed.

Maraykanka, UK iyo Israel waxay Dowladda Iran ku cambaareeyeen weerarka Markabkaasi, balse, Iran wey beenisay arrintaasi.

Markabkaasi ayaa la weeraray, xilli uu marayey meel 152 Notikal mayl (nautical miles) dhanka W/Bari kaga toosan Dekedda Duqam ee dalka Cumaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor