Ciidanka Xoogga oo soo bandhigay dagaalame ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 60aad ee ku sugan  Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ayaa soo bandhigay Abshir Cabdiraxman Cabdi oo sida ay sheegen ka tirsanaa  dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen Abshir wuxuu Al-Shabaab ku jirey mudo kudhow labo sano, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka  Xisbiyada , isagoona isku soo dhiibay Ciidanka Qeybta 60aad ee ku sugan  Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay

Ciidanka Dowladda ayaa hoaray tiro dhowr jeer ah usoo bandhigay dagaalayaal ay sheegen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,kuwaasi oo ay qayb ka ahaayeen xubno sar sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor