Ciidanka xoogga oo sheegay in ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Laba dagaalame oo katirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen, waxaana Saraakiishu ay intaa ku dareen in xubnaha isi-soo dhiibay ay ka tirsanayeen qaybta amniyaadka ee Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Labada dagaalame ayaa si gaar ah isugu soo  dhiibay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaarahaan ururka 14-aad ee guutada 14-ka oktoobeer ee kusugan magaalada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa magacyada xubnaha isi soo dhiibay ku kala sheegay Isaaq Cumar Ibraahim iyo Qaasim Cabdulaahi Cali.

Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar  Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Muunye ayaa sheegay in labada dagaalame  Al-shabaab kasoo baxsaday uu  uga hortagay degaanka shalaanbood isagoona halkaasi kasoo kaxeeyay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor