Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen degaanno hor leh

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa galabta la wareegay deegaanka Quracle oo qiyaastii 10-km u jira degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, halkaasi oo markii hore dagaalamaayasha Al-Shabaab gacanta ugu hayeen.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay cagta mariyen xaruuma ay ku sugnaayeen Al-Shbaab oo ay ku lahaayeen fariisimop waa weyn waa sida ay hadalka u dhigeene.

Ciidamadda dowladda oo garab ka helaya dadka deeggaanka ayaa wadda  dagaalka ka dhan ah Al-Shbaab, waxaana ay sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaasi Bakool.

Sidoo kale wali Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaallo Culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay Guulo ka sheegtay Dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor