Ciidanka Xoogga oo la wareegay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka inaga soo gaaraya degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidanka Dowladdu howgallo ka sameeyeen halkaasi.

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee gobalka Gedo yaa la sheegay in ay  howlgalka sameeyeen, waxaana lagu soo warramayaa in ay la wareegay degaanka Tuulo Barwaaqo oo ka mid ah degaanada Al Shabaab ay horay u haysteen.

Degaanka Tuulo Barwaaqo ee saaka ay la wareegeen Ciidanku ayaa waxaa ay  hoos tagtaa magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Sidoo kale wararka aynu helayno ayaa tibaaxaya in Ciidanka Dowladda ay la wareegeen Xarun lagu magacaabo  Kabis oo Al-shabaab Fariisin u ahayd, taasi oo hadda lagu soo warramayo in ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Xoogga dalka.

Saraakiisha Ciidanka hor kacaysa ayaa sheegay in wax dagaal ah aysan la kulmin, intii ay ku guda jireen Howlgalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor