Ciidanka Xoogga oo howlgallo Culus ka fuliyay Gobalka Shabeellaha hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Jannaale ayaa sheegay in hawlgalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Muddu kooban oo uu halkaasi dagaal ka socday ayay Ciidamadku sheegeen inay dileen  dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa ay xaqiijiyay in lagu dhaawacay  tiro kale.

Ciidanka xoogga ayaa intaasi ku daray in sidookale Gacanta ku soo dhigeen Saanad Ciidan, iyaga oo burrburiyay fariisimo ay lahaaeen Al-Shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, Isla marlaana ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor