Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay  howlgal kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno ka mid ah Gobalka Shabelaha Hoose waxaa ay sheegeen in ay kusoo qabtay tiro ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanada ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa kala ah Aliyow Baarow, Doonka Aw guudle, Buusleey, Galooy, Xarbiga, Warta Mursal, Bulo ay Famey  iyo deegaanno kale, halkaasi oo ay Al-shabaab ku xoogganaayeen.

waxaana Saraakiisha Ciidanka Hooggaaminaysay ay sheegen in ay si rasmi ah ula wareegeen deegaannada ay howlgallada ka fuliyeen, waxaana ay intaa ku dareen in ay gubeen xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaas, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Taliye Cabdullahi Mustafa Cali oo hogaaminayay howlgalka, uuna ku wehlinayo Taliyaha ururka 64aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Cali Cabdullaahi (Xalac) ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen lix dagaalamae oo  ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay sheegen in qaarkood lagu qabtay qoryaha fudud ee sida AK47, lana gubay goob ay dadka ku xiri jireen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor