Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay Magaalo muhiim ah oo ka tirsan Shabeellaha hoose

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Magaalada Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib howgallo maalmo qaatay oo ka socday Gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay Ciidanka huwanta ah la wareegeen Magaalada, howlgal qorsheysan ayay kula wareegen magaalada sida Saraakiisha Ciidanka hor kacaysa ay sheegeen.

AMISOM dhankooda waxaa ay shaaciyeen in howlgalku uu socday 16-kii illaa 22-kii October.

Saraakiisha AMISOM waxaa ay sheegeen in Magaalada ay qabsadeen ay muhiim u tahay, iyadoo ilaa iyo hadda aan la shaacin khasaaraha ak dhashay howgalka.

Magaalada Basra ayaa ahayd meel ay ku xoogganaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoo weeraro kasoo qaadi jiray inta badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor