Ciidanka Xoogga dalka oo howgallo ka sameeyay Shabeellaha hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka  ayaa Hawlgal Qorshaysan ka fuliyey deegaanada kala ah Mubaarak, Darasalaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Hawlgalka intii u socday lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, isaggoo xusay in howlgalka lagu burburiyey, qaarna lagu qabtay Gaadiid isugu jira Baabuur & Motooyin oo Al-Shabaab adeegsan jireen.

Waxaana sidoo kale lagu burburiyey Qaraxyo sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Kumaandooska Dana bee howgalka sameeyay.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Ciidanka Amisom iyo kuwa dawladda Mareykanka oo gacan wayn ka Gaystay hawlgalkan, waxaana uu sheegay in  Hawlgalkaani  uu qeyb ka yahay Halwgalada dalka looga saarayo Alshabaab islamaraakana uu sii Socon doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor