Ciidanka Ruushka oo Ugu yaraan 18 qof ku dilay Xarun laga dukaameysto

Ugu yaraan 18 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar uu Ruushka ku qaaday xarun laga dukaameysto oo ku taal Kremenchuck.

Hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa aad u cambaareeyay weerarkan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo kamid ah hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa kamid ah dadka cambaareeyay gantaalada Ruushka uu ku weeraray xarunta laga dukaameysto ee ku taal bartamaha Ukraine, isagoo ku tilmaamay mid fool xun.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Macron ku sheegay in dadka Ruushku ay waajib ku tahay in ay “runta arkaan”.

Inta badan shacabka ruushka telefishinku ayaa ah isha ugu weyn ee ay wararka ka helaan, kaas oo ay si adag u maamusho Kremlin-ka oo soo saara dacaayad dagaal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor