Ciidanka Puntland oo howlgal ku qabtay Dad ku howlnaa falal amni darro

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ballaaran ay ka sameeyeen gudaha xaafaddo ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen Guryo iyo Hoteelo bartilmaameed u ahaa, iyagoona sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga weydiinayay dhalinyarada.

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay dad la sheegay inay ku howlnaayeen falal amni darro oo ka dhaca Magaalada Boosaaso, waxaana dadkaas la qabtay oo tiradooda la shaaciyay lagu xiray Xarumo ay leeyihiin Ciidanka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka Ciidamada uu u ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shacabka Magaalada ka dalbaday inay laamaha amniga kala shaqeeyaan, si looga hortego falalka amni darro, maadaama Magaalada Boosaaso ay kamid ah Magaalooyinka ay ka dhacaan Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor