Ciidanka NISA oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa

Hay’adaha Ciidanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa howgallo qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Saraakiisha Ciidanka Howgalka sameeyay ayaa sheegay in ay soo qabteen Miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasi oo ay sheegeen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay goobta ku aaseen, waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Sirdoonka Caasimadda ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa goor dhaweyd ka fuliyay Deegaanka Ceelasha Biyaha,  kusoo qabtay Miinada Dhulka lagu aaso, kaas oo ay Alshabaab goobta ku aaseen.Waxaa boggaadin mudan shacabka Deegaanka Ceelasha Biyaha oo si wanaagsan Sirdoonka ula shaqeeyey” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Sirdoonka Caasimadda.

Dhawaan Ciidanka Dowladda ayaa howgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen qaar ka mid ah xaafadaha iyo degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana ay kusoo qabteen kooxa burcad ah oo dadka dhac u gaysan jiray iyo sidoo kale xubno la sheegay in ay ka tirsanayeen Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor