Ciidanka Nabadsugida oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Shabakad iyo hub badan

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Inta uu socday howlgalka Ciidanka Nabadsugida Gobolka ay fuliyeen ayaa waxaa lagu soo qabtay shabakad ka howlgali jirtay qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyo hub kala duwan oo iskugu jira qoryaha fudud, rasaasta Hoobiyaha, Bambooyin iyo RBG.

Idaacadda ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa baahisay in Shabakad ka ka koobnayd rag iyo dumar ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga dowladda Federaalka, in kastoo aan la shaacin tirada dadka la qabtay.

Sidoo kale Ciidanka Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa la tilmaamay inay ku raad-joogaan qaar kamid ah Shabakadan la qabtay iyo qori Hoobiye ahaa.

Saraakiil amni ayaa sheegay in ujeedka howlgalka ay Ciidanka Nabadsugida ka fuliyeen degmada Kaxda iyo deegaanka Garashbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor