Ciidanka Nabadsugida oo howlgal lagu qabtay ku dhawaad 100 qof sameeyay

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ee degmada Luuq  ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay degmadaas ka sameeyay howlgal ballaaran, waxaana laga helayaa faah faahino.

Howlgalkan ayey Ciidamada amniga ka sameeyeen inta badan xaafaddaha degmada Luuq, waxaana ay kusoo qab-qabteen ku dhawaad 100 qof oo qaarkood looga shakiyey falal amni darro oo ka dhacay guadaha degmadaas.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida degmada Luuq ee Gobolka Gedo Xasan Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga ay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu kala saarayo dadka lagu qabtay howlgalka oo u badan dhalinyaro.

Sidoo kale Taliye Xasan Aadan Xasan xilkey ayaa xusay inay ka shaqeyn doonaan sugida amniga degmada, isla markaana waxaa uu dhalinyarada iyo dadka kale ee deegaanka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro.

Howlgalka dadka lagu soo qabqabtay ee laga sameeyay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Luuq.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor