Ciidanka Kenya oo toogtay Rag hubeysan oo weerar geystay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay in weerar qasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay magaalada Mandheera ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib kooxo hubaysan oo halkaasi weerar ka geystay.

Jeremiah Kosoim oo kamid ah saraakiisha ciidamada Ammaanka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada amnigu ay toogasho ku dileen 2 kamid ah koox hubaysan oo weerar ka geystay magaalada Mandheera.

Wuxuu sheegay in raggaasi ay isku dayayeen in ay burburiyaan xarun isgaarsiin oo halkaasi ku taala, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay hal sarkaal oo Kenyan ah iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, sida uu baahiyaya TVGA (Aljazeera).

Weli ma jirto faah faahin dheeraad ah oo laga soo saaray weerarkaasi ka dhacay Mandheera iyo cidda ka dambeysa, balse inta badan Alshabaab ayaa weerarad nuucaan ah ka geysta gudaha dalka Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media