Ciidanka Kenya oo Cawska ku dhuuntay intii uu socday weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen Saldhigga Manda Bay

Ciidanka Mareykanka ayu wargeyska sheegay in ay aad isugu haleynayeen ciidanka Kenya ee ilaalada ka ahaa xarunta, kuwaas oo uu sheegay in loo igmaday in ay ilaaliyaan saldhigga, maadaama ciidmaada Mareykanka ay halkaas ku yar yihiin.

“Ciidanka Kenya uma diyaarsana oo uma tababarno sida kuwa Mareykanka, wayna sahlan tahay in Al Shababa ay gudaha u galaan saldhigga marka uu weerar dhaco,” ayuu yiri Michael Waltz oo horay uga soo mid noqday ciidanka Mareykanka ee Afrika jooga.

Wargeyska ayaa sidoo kale soo wariyay in saraakiisha Mareykanka ay aad ula yaabeen ciidanka Kenya kadib markii ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen 6 kamid ah raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay ahaayeen dad goobjoogayaal kadibna lasii daayay.

Al Shababa ayaa weerarkaas ku burburiyay qalab milateri oo ay lahaayeen ciidanka Mareykanka iyo goob ay ciidanka ku keydsanayeen shidaalka, waxaana weerarkaas Mareykanka kasoo gaaray khasaaro malaayiin doolar ah.

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah.

Saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Manda Bay ayaa waxaa ku sugan ciidan dhan 200 oo askari, kuwaaas oo isugu jira duuliyeyaal, askar milateri iyo shaqaale katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka, waxaan halkaas ay tababar ku siiyaan ciidamada Kenya.

Afhayeenka milateriga Kenya, Paul Njuguna oo ka hadlay warbixinta uu qoray wargeyska beeniyay in ciidanka Kenya ay gabaad ka dhigteen cawska.

“Waa wax lala yaabo halka ay warbixinta wargeyska ka timid iyo sababta loogu soo aadiyay xilligan oo aynu sugeyno gabagabada baritaanka ku aadan weerarka, xaqiiqda waxaan ka hadli karnaa marka lasoo dhameystiro warbixinta iyo sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya oo la hadlay wargeyska the Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi.

Guddi isku dhaf ah ayaa loo saaray in ay kasoo warbixiyaan weerarka, kadib markii safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter iyo taliyaha ciidamada badda ee Kenya Jeneraal Levi Mghalu ay booqdeen saldhigga weerarka kadib.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media