Ciidanka Itoobiya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub farabadan

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in rasaas iyo hub badan ay ka heleen goobo ku yaala magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray waqooyiga Itoobiya.

Hubkaan ayaa la sheegay in ay keydsadeen kooxda TPLF ee laga fara maroojiyay magaalada Mekelle 28 bishii naga idlaatay ee November.

Ciidanka ayaa sheegay in ay heleen 3 kunteynar oo ay ka buuxeen qoryo isugu jira AK-47,qoryaha shiish wanaaga ee meesha fog wax ka dila ee looyaqaan Snipers iyo garneylada gacanta.

Sidoo kale waxaa ay ciidanku sheegeen in ay qabteen rasaas xoog leh iyo dharka ciidanka TPLF iyo waliba kaararka aqoonsiga .

Ciidanka itoobiya ma sheegin cid ay hubkaan la xiriirinayaan oo ay qabteen

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media