Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Saciid Deni oo tegay Dhuusamareeb

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ciidamada gaarka ah ee Ilaalada Madaxweynaha Puntland, kuwaasi oo safar dhinaca dhulka kaga soo baxay Magaalada Gaalkacyo  oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo Shirka halkaas uga furmaya Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Caasimadda Galmudug ayaa waxaa isla maalinta berri tegaya Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Hirshaebelle Maxamed Cabdi Waare, isla markaana waxaa amnigiisa la wareegay Ciidamo ka tirsan nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media