Ciidanka Ilaalada Gaarka ah ee Axmed Madoobe oo u duulay Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaasi goordhow ay ka duuleen wefdi hordhac u ah safarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo u badan ilaaladiisa gaarka ah oo aad u hubeysan.

Sawirro lagasoo qaaday intii ay ku sugnaayeen Garoonka Kismaayo ayaa muujinayay ciidamada oo aad u qalabaysan isla markaana wata hub culus kuwaas oo ka duulaya garoonka magaalada Kismaayo si ay u gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Dhusuamareeb oo uu ka furmayo shirka madaxda maamul gobaleedyada oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana xalay magaalada gaaray ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni,labadaas madaxweyne maamul gobaleed ayaa u muuqda in magaalada ay la tageen ciidamo xoog leh si ay u xaqiijiyaan amnigooda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media