Ciidanka Haramcad oo howlgal ka bilaabay Magaalo ay ka dhaceen weeraro iyo dilal

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgal Culus ka bilaabay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Haramcad ayaa waxaa howlgalkaas ku wehlinaya Ciidanka kuwa Nabadaugida NISA ee Maamulka Galmudug, waxaana Ujeedka howlgalka la bilaabay ka hadlay Saraakiisha hoggaaminaya Ciidamada.

Howlgalka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada Caabudwaaq, imaadaama amnigii ka jiray halkaas uu faray ka baxay, ayna la dhaceen weeraro kala duwan dilal iyo qorsheysan oo loo geystay dad shacab ah.

Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad ayaa shacabka qeybahooda kala duwan ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga howlgalka bilaabay, si looga hortego falal amni darro oo xiliyada qaarkood dhaca.

Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacayay dilal iyo weeraro la xiriira aanooyin qabiil, isla markaama ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, waxaana falalkaas markii dambe ay isku bedelaan dagaal beeleed geysta khasaaro kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media