Ciidanka Gor Gor oo Howgallo ka fuliyay Shabeellada Hoose

Saraakiisha Ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka ayaa sheegay  xubno ka tirsanaa  Al-Shabaab ay ku dileen inta u dhexeysa deegaanada Tawakal iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ururka 4-aad Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor-gor Dhamme Nageeye oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay ka war-heleen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey inta u dhaxeysa labada deegaan.

Sidoo kale waxaa waxaa ay intaa ku daran saraakiishu in howlgalkaasi Al-Shabaab looga dhaawacay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sido xaqiijiyey Taliyuhu.

Waxaa intaas ay ku dareen in guud ahaanba ay la wareegeen degaanadii lagud agaalamay, waxaana tiro dhowr jeer ah degaanadaasi ka dhacay dagaalo toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor