Ciidanka Galmudug oo toogasho ku dilay Rag hubeysan oo Fal geystay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug iyo Rag maleeshiyaadka ku dhexmartay duleedka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in rasaasta ay ka bilowday, kadib markii laba Nin oo maleeshiyaad ah ay rasaas ku fureen Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo howlgal ka waday duleedka Caabudwaaq, kadibna ragga ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ka daba tageen raggii rasaasta kusoo furay ee baxsaday, iyagoona markii dambe toogay raggii hubeysnaa oo laba ruux ahaa, halka Ciidanka ay ka dhaawacmeen saddex Askari.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Magalaada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin ragga hubeysan ee maleeshiyaadka ah ay dhibaato xiliyada qaarkood u geystaan shacabka Magaaladaas.

Si kastaba Ciidanka Booliska Galmudug iyo rag hubeysan ayaa waxaa ay dhowr jeer Israsaaseyn geystay khasaaro ku dhexmartay Magaalada Caabudwaaq, iyadoona ay xusid mudan tahay in maleeshiyaadka qaarkood gacanta lagu dhigay.