Ciidanka Duufaan oo xalay howlgalo ka sameeyay Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidanka Nabadsugida ee NISA gaar ahaan kuwa Duufaan ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo saacado qaatay ay ka sameeyeen afarta Waaxood ee degmada Shibis oo kamid ah degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Inta uu socday howlgalka ay wadeen Ciidanka Nabadsugida ee Duufaan ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayey waddooyinka dhexmara xaafaddaha Shibis iyo kuwa socday laamiga.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka ay xalay Shibis ka sameeyeen Ciidanka Duufaan uu yahay mid lagu doonayay in lagu xoojiyo amniga ka jira degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Shibis ayaa tilmaamay in sugida amniga degmada ay qeyb weyn ka qaateen Ciidanka loo yaqaano Ilaalada shacabka ee Dharcadka, isagoo xusay in Ciidanka Dharcadka ay wadashaqeyn kala dhexeeyso shacabka degmada.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye ku-xigeenka ayuu sheegay in sanadkaan sii dhammaanaya ee 2021 aysan falal amni darro ka dhicin gudaha Shibis oo aan qof lagu dilin, halka sidoo kalena Taliyaha Booliska degmada uu isna Carabka ku dhuftay in howlgalka ay sii wadi doonaan, si loo xaqiijiyo ammaanka degmada.

Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa habeenadii lasoo dhaafay howlgalo isdaba joog ah waxaa ay ka sameeynayeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda oo xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro oo ay geystaan rag hubeysan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor