Ciidanka Dowladda oo sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay lahaayen Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Ciidanka ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay deegaanada kala ah Dhurey iyo Kurta  Arbasale oo hoostega degmada Waajib ee Bakool, halkaas oo la sheegay inay Saldhigyo ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Labo Xidigle Isaxaaq Ibrahim oo ka tirsan Ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka la fuliyay uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana lagu bartilmaameedsaday goobo ay lahaayeen Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sdioo kale Sarkaalka ayaa tilmaamay in Ciidanka ay ku sugan yihiin deegaanadii howlgalka laga sameeyay, ayna qorsheysanaa inay wadaan, si Al-shabaab looga xoreeyo inta ay kaga sugan yihiin Bakool.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo  gelinkii dambe ee shalay duleedka Xudur uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Shabaab, waxaana dagaalkaas uu yimid, kadib markii Ciidamo galbinaya gaadiid u rarnaa Ganacsato weerar lagu qaaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media