HomeWararCiidanka Dowladda oo saaka Al-shabaab kala wareegay degaano dhowr ah oo Basra...

Ciidanka Dowladda oo saaka Al-shabaab kala wareegay degaano dhowr ah oo Basra ku jirto

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah howlgal qorsheysan  kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaanada kala ah Basra, Sapyo, Bahdaad, Beled Al Kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaley, Daniga Balow iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah howlgal qorsheysan  kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaanada kala ah Basra, Sapyo, Bahdaad, Beled Al Kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaley, Daniga Balow iyo Buula Xansholey, kuwaasi oo dhammaantood ku teedsan Wabiga Shabeelle.

- Advertisement -

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku socday.

Deegaanka Basra oo ah degaan Istiraatiiji ah iskuna xira Gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabaallaha Dhexe, ee maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa deegaanka Basra kulahaa Saldhig wayn.

Si kastaba howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ayaa weli ka socda qeybo kamid ah Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana la wareegida deegaanada saaka laga qabsaday Al-shabaab kusoo aadeysa, iyada oo shalay dagaal khasaaro dhaliyey uu ka dhacay Hiiraan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts