Ciidanka Dowladda oo Maanta la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoos yimaada Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo kamid yihiin Ceemooy, dhagax yaalle, Kilad Gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in sidoo kale Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen doomo ay lahaayeen Al-shabaab oo ku xernaa wabiga shabeelle.

Saraakiisha Ciidamada ayaa tilmaamay inay doomaha ay Shabaabka u isticmaali jireen in ay ku qaataan saanadda, dhaawacyada iyo gurmadka, waxaana ay aheyd bar isku socod oo ay u adeegsadaan gobolada Shabeelooyinka iyo Gobolada dhaxe.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgalka sii wadayaan tan iyo inta laga xureynayo Al-shabaab deegaanada Hirshabeelle, howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmo kahor ay Al-shabaab sheegtay inay xubno ka tirsan kooxda macwiileyda ah ku dishay Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor