Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan ay ku sugnayeen Al-shabaab

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka 21-aadka iyo kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Labilule oo koonfur kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa soo sheegaya inay la wareegeen gacanta ku heynta Labilule, ayna ku sugan yihiin, isla markaana ay ka wadaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, si looga hortego dhibaato dhacda.

Sidoo kale dad ku sugan meel ku dhow deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa ku warramay inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay dhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, wallow markii dambe dagaalka uu istaagay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Labilule ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro, in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dagaalkaan ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Al-shabaab barqannimadii Maanta Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah kula eegteen duleedka Dhuusamareeb, waxaana halkaas ku dhintay laba Askari, halka 8 kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media