Ciidanka Dowladda oo la wareegay amniga deegaano uu dagaal ka dhacay

Amaanka guud ee goobihii ay ku dagaalameen Malayshiyo beeleedka ee deegaanada Balicade iyo Furinta-foore ee Gobolka Galgaduud waxaa la wareegey Ciidanka dawladda Soomaaliya oo isugu jira Nabadsugida Qaranka, Milatariga Qaybta 21-aad iyo Booliiska Galmudug.

Ciidankaan oo uu hogaaminayo taliyaha Nabadsugida qaranka qaybta Galmudug Mahdi Cumar Muumin ayaa kala dhex-galay labada beelood Ciidankooda oo dagaal uu maalin kahor uu halkaan ku dhexmaray.

Taliyaha Nisa waxa uu sheegey inay halkaan ku sii sugnaan doonaan inta xal lagagaarayo lana kala qaadayo labada ciidan ee Beelaha halkaan kudagaalamey.

Dhinaca kale Xildhibaano iyo wasiiro katirsan Galmuudg ayaa goobta gaarey si ay gogol xaar ugu siinoqdaan kulan hordhac ah oo Odayaasha Dhaqanka labada beelood lafilayo in maanta ay iskugu yimaadaan si ay oga wada hadlaan sidii lookala qaadi lahey Ciidamada beelaha ee wali is horfadhiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media