Ciidanka Dowladda oo howlgal qorsheysan ku galay Degmo ka tirsan Mudug

Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo ay hogaaminayaan Taliyaha Qaybta Gen. C/Casiis C/Laahi Qooje iyo Saraakiil kale ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Degmada Camaara ee Gobolka Mudug.

Socdaalkan oo qayb ka ahaa qorshaha amni xaqiijinta ayay saraakiishu kula kulmeen Shacabka deegaanka gaar ahaan waxgaradka kuwaas oo soo dhaweeyay tallaabada ciidamada dowladu ku gaareen camaara maadaama deegaankaasi aysan horay ugu sugneyn Ciidamada Dowlada .

Taliyaha Qaybta 21-aad Gen: “Qooje” oo la hadley Shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay usii socon doonaan qorshuhuna yahay in la gaaro dhamaanba Deeganada kale ee aan xorta aheyn , dadwaynaha ayuu taliyuhu ugu baaqay in ay ciidamada Ku garab siiyaan howshan .

Dad deegaanka ayaa soo sheegaya in ay arkayeen Ciidamada dowladda oo wata gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana gudaha u soo galayay  Degmada Camaara, sidoo kalena sameeynayay howlgalo qorsheysan.

Taliska 21-aad ee Ciidanka dowladda ayaa mudooyinkii dambe waday howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media