Ciidanka Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah  Basra, Buulo-kuute, Qalimow, gololey iyo deegaaano kale oo hoostaga degmada Balcad oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga qeybta 27-aad ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu socday howlgalka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana Ciidanka ay burburiyeen fariisimo ay lahaayeen Shabaab, waa sida hadalka ay u dhigeen.

Saraakiisha ma shaacin tiro xubno ah oo dileen, balse waxaa ay sheegeen oo kaliya in howlgalka laga fuliyay degaano hoostega degmada Balcad uu ka dhashay khasaaro, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Cidaanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa muddooyinka ugu dambeeyay kor uqaaday howl-galada ka dhanka ah Al-shabaab, iyagoo todobaadyadii ugu dambeeyay howl galo isdaba joog ah ka sameeyay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasi oo ay kula wareegeen deegaanno hor leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor