Ciidanka Dowladda oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey degaano ka tirsan Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 84-aad guutada 14-ka Octoobar ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka guutada 14-ka Octoobar ayaa  howlgalka si gaar ah uga sameeyay tuulooyinka Uraay iyo Degwiriiri oo hoostega degaanka Janaale, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ururuka 84-aad G/le Cabdullaahi Maxamed Nuur Dool oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalka lagu burburiyey farriimo Shabaabka ay ku lahaayeen deegaanada howlgalka ay Ciidanka ka sameeyeen.

Taliye Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in goobaha ay tageen Ciidanka lacago looga qaadi jiray dadka shacabka, balse la burburiyay, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha oo ka hadlaayay howlgalka.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor