Ciidanka Dowladda oo howgallo qorsheysan ka sameeyay  Gobolka Gedo

Ciidanka Xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaawafay waxaa ay howgalloqorsheysan ka fuliyeed degaanno ka tirsan Gobolka  Gedo, waxaana howlgalladu ahaayeen kuwo ammaanka la xariiray.

Howlgalkaasi oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka degaano ka tirsan gobalka Gedo, gaar ahaan magaalada Garba haarreey, halkaasi oo lagu wado inay ka qabsoonto Doorashada Goloha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Howlgalka ayaa waxa Hoggaaminayey Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo G/le sare Warfaa Shiikh Aadan Faroole iyo Abanduulaha Guutada G/dhaxe Cismaan Shiikh Cabdi Qorax.

Sarakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi donaan Hawgalada lagu xoojinaayo guud ahaan amaanka gobalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor