Ciidanka Dowladda oo gubay Gaari la sheegay inuu siday Qaraxyo

Ciidanka kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka  Koonfur Galbeed.

Ciidanka DANAB ayaa howlgalka ku qabtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Saaruf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay inay soo waday Magaalada Muqdisho, hayeeshee laga hortegay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sheegay in Ciidanka DANAB qarxiyeen gaarigii laga soo buuxiya walxaha qarxa, isla markaana uu ku dhintay darawalkii waday gaarigaas.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhow jeer oo horey sidaan oo kale u fashiliyay gaadiid lagu soo raray qaraxyo oo loo waday Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay gubeen kuwo kalena qarxiyay.