Ciidanka Dowladda oo gacanta kusoo dhigay Rag hubeysan oo Afduub geystay

Ciidanka dowladda Federaalka ee isugu jira Nabadsugid iyo Boolis ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen degaano hoostega Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Ciidamada dowladda ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay kusoo qabteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo la sheegay in habeen horay gudaha Cadaado ka afduubtay gaari nooca loo yaqaano Dhikilada ee laga isticmaalo Magaaladaas.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay Sagaal Nin iyo hubkii ay wateen oo ay ku dhaceen gaariga, waxaana raggaas si gaar ah loogu qabtay howlgal Ciidanka dowladda ka fuliyeen degaanka Deegaanka Dhagax Dheere oo hoostega Cadaado.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa Maleeshiyaadka iyo hubkii ay wateen kusoo bandhigay aaga degaanka Dhagax Dheere, kuwaasi oo markii dambe la geeyay Magaalada Cadaado, kadibna xabsiga laga dhigay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale gacanta ugu dhigay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo dhac iyo dilal ka geystay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor