Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay waxyaabo qarxa iyo Qoryo AK-47

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Guutada 6-aad Qeybta 60-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa si gaar howlgalkan waxay ka sameyeen degaanka Goorsarow oo hoos yimaada tuulada Buula-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba xubin oo kamid ahaa Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale, waxay gacanta ku soo dhigeen walxaha qarxa iyo labo qori oo ay wateen xubnaha la dilay, kuwaas oo ay doonayeen in ay shacabka degaanka ku dhibaateeyaan, waa sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay howlgalo qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab uga fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor