Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km ujira degmada Bu’aale lagu dilay Sarkaal ka tirsnaa Al-shabaab.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay uu Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhadaha laguna magacaabi jiray Xasan Sufiyaan Qooreey iyo xubno kale oo la socday, waxaana sidaas lagu baahisay Idaacadda ku hadashay Codka Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana xusid mudan in labada dhinac uu dhexmaray dagaalo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media