Ciidanka Dowladda oo degaano ka fuliyay howlgal lagu soo saaray Qaraxyo Miinooyin ah 

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada seddexaad ee qeybta 27-aad ee Ciidanka ayaa waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen  inta u dhexeeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay degaano hoostega Jowhar iyo Balcad sida Golaley Daa’uud, Cadayga , Moorajiido, jedda saarsaare Gumareey iyo Jidka isku xira labadaas degmo.

Taliyaha howlgelinta guutada saddexaad Gashaanle Ismaaciil Kuulow Xasan {TUURE} oo hoggaaminayey howlgalka ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka ay Ciidanka qaraxyo miinooyin ah kasoo saareen wadada oo ay sheegeen inay geliyeen Al-shabaab.

Taliye Ismaaciil Kuuloow oo ka warbixiyay ujeedka hawlgalka ay sameeyeen ayaa sheegay in uu yahay mid lagula dagaalamayo Al-shabaab, maadaama shacabka deegaannadaan ay dhibaatooyin ku haayen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha howlgelinta guutada ayaa wuxuu intaas kusii daray in howlgalka ka dhanka Al-shabaab ay sii wadi doonaan, isla markaana ujeedkooda uu yahay xaqiijinta amniga deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale Taliyuhu wuxuu kormeer ku tegay Taliska ururka 19 ee Guutda Sedexaad ee fadhigiisu yahay Qalimow, wuxuuna kula dardaarmay in ay gutaan wajibaadka, kana foogaadaan waxkastoo dhaawacaya Qarannimada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor