Ciidanka Dowladda oo Camaara kusoo bandhigay xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ku soo bandhigay Xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ay sheegeen Saraakiishu inuu uu Al-shabaab qaabilsanaa afduubka Ajaanibta.

Saraakiil Ciidan oo uu Hogaaminayo Jeneraal Saadaq John oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaalada Camaara, ayaa la sheegay in halkaas ay ku qabteen Jabriil Saciid Cali Saciid, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta arrimaha Samafalka u yimaada Soomaaliya.

Warar lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Jabriil in uu horey u qafaashay Weriyeyaashii ka kala socday Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaasi oo uu ka qaatay lacago Madax furasho, ayna jiraan Ajaanib kale oo gacantiisa ku maqan, kana afduubtay meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab ee Degaanada Galmudug ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu dilay dagaalaayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Magaalada Camaara ayaa haatan ku jirta Gacanta Ciidanka huwanta ah ee xoogga dalka iyo Galmudug, waxaana Ciidanku ay wali wadaan howgallo ballaaran oo ay ka sameynayan Koonfurta Gobolka Mudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor