Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Hiiraan

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay deegaano hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo weriyay inuu ka dhashay dagaalka soo kala gaaray labada dhinac, isla markaaan wuxuu sigaar ah uga dhacay deegaanka Madhooy oo hoostaga degmada Matabaan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalkaan dhacay uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen farriisimo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ew Ciidanka Xoogga Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa hoggaaminaya howlgalka ay sameeyeen, kaasi oo saacado qaatay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada inay Al-shabaab kala wareegeen deegaano hor leh oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo barqadii Maanta Al-shabaab qarax la eeteen Ciidamo ka tirsan dowladda oo howgal ka waday duleedka Magaalada Baladweyne, waxaana ku dhintay laba Askari, halka tirro kalena  ay dhaawacmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor