Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo sheegay in degaanno hor leh ay la wareegeen

Wararka aan ka helayno deegaanka Qaycad ayaaa ku warramaya in Saaka si buuxda ay degaankaasi ula wareegeen Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug kadib dagaallo khasaaro badan dhaliyay oo maal-mihii lasoo dhaafay ka socday degaankaasi iyo degaanno hoos yimaada.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan hadda degaankaasi uu gacanta ugu jiro Ciidanka Huwanta ah ee is garabsanaya, waxaana sidoo kale lasoo sheegaya Al-shabaab degaanka laga qabsaday,waxaana sidaasi shaaciyay Saraakiisha Ciidanka hor kacaya.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in Saaka si buuxda ay degaankaasi ula wareegeen Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug kadib dagaallo dhowrkii maal mood ee aynu soo dhaafnay socday, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Al-Shabaab faarujiyeen degaanno kale.

Degaanada Maamulka galmudug ayaa waxaa dhawaanahaan ka socday dagaallo iyo howgallo culus oo ay sameynayaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug, iyadoo sidoo akle dhinacyada dagaalamaya ay siyaabo kala duwan kaga hadleen dagaaladaasi, waxaana dhinac walba uu sheegayaan in uu guulo ka gaaray dagaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor